Mahad Salaad oo kulamo ka wada dalka Mareykanka

0

Muqdisho [SMN] –  Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Salaad ayaa kulamo ka wado Magaallooyinka Washington iyo New Yorka ee dalka Mareykanka.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Mahad Salaad uu kalamo kala duwan la yeeshay Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Gaashaandhigga ee dalka Mareykanka.

Agaasime Mahad ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka socda Hay’addaha CIA iyo FBI oo arrimaha sirdoonka u qaabilsan dowladda Mareykanka.

Kulamadan ayaa ahaa kuwa intooda badan xoogga lagu saaray arrimaha ammaanka iyo sida labada dowladdood ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab.

Marka laga yimaado kulamadan, Mahad Salaad ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Federaalka ee lagu ammaanay is-bedelka amni ee lag dareemay Magaalada Muqdisho.

Si-kastaba, kulamadan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe lagu bilaabayo howlgallada  wajiga labaad, kuwaasi oo xoogga lagu saari doono degaannada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobollada Jubbooyinka oo weli ay ku xoogan yihiin Ururka Al Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here