MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay shirkii maalmahanba u socday Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, iyada oo laga soo saaray bayaan ka kooban illaa 12 qodob, kaas oo ay qalinka ku duugeen, madaxda xukuumadda dhexe iyo weliba madaxweynayaasha maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo duqa caasimadda Muqdisho.
War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in dawladda heer federaal iyo maamul goboleedada ka qayb galay kulankani inay ku heshiiyeen “inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation-Closed List). Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.” ayaa lagu sheegay qodobka koowaad ee heshiiska.
Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in kuraasta lagu tartamayo laga soo doorto deegaan doorashooyin.
Halkan hoose ka akhriso:-