Xaal waara oo laga gaaray xiisadda Garoowe iyo qodobo lasoo saaray

0

GAROOWE (SMN) – Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay shir ku dhawaad 7 cisho u socday waxgaradka Nugaal, hoggaanka SSC, xubno ka socday madaxtooyada iyo mucaaradka kasoo horjeedo madaxweyne Saciid Deni.

 

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiisadda ka taagan Garoowe. taas oo saameyn ku yeelatay doorashadii Garoowe iyo laba degmo oo kale, kuwaas oo dib loo dhigay.

Waxaa shirka laga soo saaray qodobo dhowr ah, waxaana kamid ah in ciidanka laga saaro magaalada Garoowe, kadibna la qabto doorashada si ay reer Garoowe u codeeyaan.

Sidoo kale waxaa heshiiska qayb ka ah in doorashada madaxweynaha ugu dambeyn la qabto 8 Jan. ee 2024-ka, si Meesha looga saaro muranka hareeyay doorashooyinka.

Puntland ayaa waxaa 25-kii bishan ee sanadka 2023-ka ka dhacday doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu soo doortay goleyaasha degaanka 30 degmo oo ka tirsan maamulkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here