Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

 

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd meelaha sida weyn looga taageeray guusha uu markale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee dalka Turkiga.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka  mid ah dowladaha waa waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna door muuqdo ka qaataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here