MANDHEERA – Saddex askari oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa ku dhaawacmay kadib markii dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero ay deggen yihiin ciidamada gaarka ah oo ku taalla deegaanka Fino ee hoos taga degmada Lafey, oo hoostagta magaaladda Mandheera.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay si lama filaan ah u beegsadeen xerada, balse ciidamada ay si degdeg ah uga falceliyeen weerarka islamarkaana dib u celiyeen kooxdii hubaysnayd.
Sida ay booliisku sheegeen, weerarka waxaa lagu adeegsaday gantaallada RPG-ga iyo qoryaha culus ee PKM-ka. Ciidamada ayaa la galay dagaal toos ah oo socday ku dhawaad 25 daqiiqo, ka hor inta aysan ku qasbin weeraryahannada inay dib uga gurtaan goobta.
Saddexda askari ee dhaawacmay ayaa loo qaaday xarumo caafimaad si loogu daweeyo dhaawacyadooda, halka hay’adaha ammaanka ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii weerarka fulisay.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay deegaanka si loo xoojiyo amniga, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu soo qabanayo dableydii baxsatay.
Deegaanka Fino, oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, ayaa horey dhowr jeer u wajahay weerarro lala xiriiriyay Al-Shabaab, maadaama uu ku yaallo meel u dhow xuduudda.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah falal amni darro iyo isku dayo weerarro oo muddooyinkii dambe laga soo sheegayay gobolka Mandera, oo si joogto ah bartilmaameed ugu ahaa kooxda Al-Shabaab ee saldhiggeedu yahay Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa timid maalmo kadib markii booliiska Kenya ay fashiliyeen weerar kale oo la tuhunsan yahay inay Al-Shabaab ka dambeysay, kaas oo lagu qaaday xerada ciidamada ee deegaanka Jabi, degmada Lafey.
Wararka hordhaca ah ayaa xilligaas sheegay in ku dhawaad 10 dagaalyahan oo si aad ah u hubaysnaa ay rasaas ku fureen xerada, iyagoo ka soo dhaqaaqay dhinaca waqooyi-bari, balse ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerarka, iyada oo aan dableydu u suurtagelin inay gudaha u galaan xerada.
Cutubka la weeraray waa ciidan gaar ah oo la dagaallama argagixisada, kana howlgala gudaha ciidamada ilaalinta xuduudaha Kenya, iyadoo si dhow ula shaqeeya Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya si loo sugo amniga xuduudaha loogana hortago khataraha amni ee halista badan.



