BALCAD (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa maanta howlgal wadajir ah ka sameeyay inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay shaaca ka qaaday ATMIS.
“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS iyo Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa qaadey Hawlgal dagaal oo isku dhaf ah oo lagu qaadey wadada udhaxeysa Balicad iyo Galooley oo dhan 10 Km oo badanaa dadka safarka ah ay ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in ciidamada huwanta ay burburiyeen xarumo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Balcad.
“Hawlgalkaa waxaa lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen maleeshiyadu waxaa kaloo lagu ciribtirey Al-Shabaab qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dawlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka” ayay markale lagu yiri.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo waramayaa in dhaq-dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayo agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-