Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay Einar Rystad, Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan horumarinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed. Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u eegay arrimo kala duwan oo ay labada dowladood daneynayaan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Labada mas’uul ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway.





