Dowladda Mareykanka oo duqeyn ku dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Militeriga Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay inuu duqeyn cirka ah ka fuliyay 1-dii bishan saldhig Al-Shabaab ku leedahay Koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.

 

War kasoo baxay shalay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in saddex xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab lagu dilay duqeynta oo laga fuliyay meel ku dhaw degaanka Wayanta, oo qiyaastii 60KM Koonfur Galbeed uga beegan magaaladda Kismaayo.

Duqeynta ayaa timid kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo Ciidankeeda howlgalka ka wado nawaaxiga Kismaayo u baahday taageero dhanka cirka ah, sida ku xusan qoraalka AfRICOM.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey duqeynta ay Khamiistii diyaaradaha drone-ka ka fuliyeen gobolka Jubada Hoose.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Jubaland iyo dowlada Soomaaliya oo ku saabsan howlgalka Mareykanka, kaasoo kusoo beegmaya xili Al-Shabaab ay kordhisay dhawaan weerarada saldhigyada militeri ku qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here