Faahfaahino ka soo baxaya dagaal beeleed ka dhacay gobolka Mudug

0

GAALKACYO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

 

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamullada Glamudug iyo Puntland, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wuxuu dagaalka yimid, kadib markii ay weerar soo qaadeen maleeshiyaad ka yimid dhanka Puntland, taas oo keentay inay isku dhacaan kuwa kale oo ku sugnaa halkaasi

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here