MUQDISHO (SMN) – Dhowrkii saaca ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyay wararka sheegaya in ay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimadda oo gadood ka sameeyay isgoyska Fagax oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Ciidankaas ayaa la sheegay inay ka cabanayeen mushaar la’aan iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya.
Taliska ciidanka xaslinta oo ka jawaabaya warkaas ayaa xalay booqday isgoyska Fagax , waxayna saraakiisha meesha ka saareen inuu jiro gadood ay sameeyeen ciidamada.
Sidoo kale saraakiisha ayaa u digay warbaahinta iyo dadka kale inay warar noocaan oo kale ku baahiyaan baraha bulshada ee Internet-ka.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada xasilinta ayaa howlgallo culus oo amni xaqiijin ah ka waday magaalada Muqdisho oo haatan si weyn looga dareemayo xasilooni amni.