Madaxweynaha Jubbaland oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxwweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maamul cusub waxa uu u magacaabay gobolka Gedo, oo weli laga diidan yahay maamulkiisa.

 

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u qornaa sidatan:-

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY HOGAAMINTA CUSUB EE MAAMULKA GOBOLKA GEDO.

Tix-raac: XM/DGJS/031/2023

UJEEDDO: MAGACAABIS MAAMULKA GOBOLKA GEDO.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa nad, Qodobka 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland;

Markuu Garwaaqsaday: Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay,

  1. Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
  2. Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.
  3. Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.
  4. Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.
  5. Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka

Waxay Magacaabistani dhaqan  galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo Wuuna sixiixay.

DHAMMAAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here