Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay duleedka Beledxaawo + Khasaaraha

0

BELEDXAAWO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo khasaaro geystay uu ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

 

Miinada ayaa la kacday, gaari ay la socdeen dad shacab ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Dhammaan dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Beledxaawo, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa weeraro u badan qaraxyo nooca miinada ah iyo kuwa toos ah ay ka dhacayeen gobolka Gedo oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen dadka shacab ah, xilli uu marayay deegaankaa Uunsi oo 17 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Beledxaawo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here