Duqa Muqdisho oo sheegay inay ka go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa

0

MUQDISHO (SMN) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kaste oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)ayaa faray Agaasinka kala duwan iyo howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan falkaste oo musuq AH.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan falkaste musuq maasuq la xariira oo ay kala kulmaan adeegyada uu buxiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, ayada oo saraakiil badan loo soo xiray eedeymo la xiriira xatooyo xoolo dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here