Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay wasiir Fiqi?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS ahna Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo xalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

 

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay isku dubaridka munaasabadaha isa-saaran ee nagu soo fool leh, iyada oo uu goobjoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddiga ayaa ugu horeyn warbixin kooban oo hordhac ah ka dhageeystay xubnaha guddiga farsamada ee isku dubaridka muunaasabadda 26-Juun iyo 1-Luuliyo, iyaga oo sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay weyneenta maalmaha qiimaha badan ee nagu soo aadan.

Soomaaliya ayaa caawa u dabaal-dageysa xuska munaasabadda 26-ka June, waxaana kusii xigi doona kowda Luulyo oo ah maalin kale oo qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here