Madaxweyne Saciid Deni oo maamul cusub u magacaabay Nugaal iyo Gardafuu

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay wareegtooyin kala duwan soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay gobollada Nugaal iyo Gardafuu.

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1-aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer, waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir).

Sidoo kale waxaa isna guddoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu loo magacaabay Cumar Cismaan Saciid, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni.

Waxaa sidoo kale isbeddal ballaaran lagu sameeyay taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobollada Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

Tallaabadan ayaa kusoo aadayso, ayada oo haatan Puntland ay wajaheyso xiisad ka xoogan oo ka dhalatay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan Deni iyo xubnaha mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here