GAROOWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in haatan Garoowe ay ka socdaan dadaallo xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan maamulkaasi.
Wufuud kala duwan oo isugu jirto odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo lagu soo dhoweeyay.
Xubnahaasi waxaa kamid ah Islaan Bashiir Islaan Cabdille, ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Sidoo kale waxaa magaalada Garoowe kusii jeeda siyaasiyiin kale iyo qaar kamid ah Isimada Puntland, si xal looga gaaro xiisadda haatan taagan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyadan ay shir ballaaran ku yeelan doonaan, halkaas si la’isugu keeno mucaaradka iyo xukuumadda, loona heshiisiiyo.
Puntland ayaa waxaa ay gashay marxalad adag, kadib markii uu dagaal khasaare geystay dhawaan ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.