MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Maxamed Kariim Fu’aad.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar taageerada joogtada ah iyo mowqifkeeda ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.
Dhankiisa, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa bogaadiyay guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka argagixisada, isagoo muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay sii wadista iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.





