DF Soomaaliya oo hirgelisay xarun lagula tacaalayo cudurka Cagaarshowga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay  hirgalisay xafiiska xakameynta iyo ciribtiro cudurka Cagaarshowga,xaruuntan laga hirgaliaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wax ka qaban doonta la tacaalida,yareynta faafitaankiisa iyo ka wacayi-galinta bulshada cudurka  Cagaarshowga.

 

”Wasaaradda waxaa ka go’aan  wax ka qabashada cudurka Cagaarshowga si bulshada looga badbaadsho, iyadoo ay wasaaraddu waddo dadaallo lagu doonayo in ay ku diyaariso Istaraatijiyada qaran oo lagula tacaalayo xanuunka si bulshada looga wacayi-galiyo halistiisa”.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan Hay’adaha Dowladda federaalka,kuwa gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo saaxiibada Caalamiga ah sidii looga ciribtiri lahaa dalka xanuunka Cagaarshowga oo ka mid ah cudurada dilaaga ah ee dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here