Faahfaahino ka soo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Gedo + Khasaaaraha

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi.

 

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si gaar ah uga dhacday agagaarka deegaanka Ceel Cadde ee gobolkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weerarkan dhanka cirka ah ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo dowladda Kenya oo ku aadan duqeyntaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaano dhow xadka Soomaaliya, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here