AFMADOW (SMN) – Dowladda federaalka Somaaliya, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa ka warbixisay howlgallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in saddex howlgal oo ka dhacay duleedka degmada Afmadow lagu dilay illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
“Howlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay burburisay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.
Halkan hoose ka aqriso:-