Koonfur Galbeed Oo Soo Saartay Go’aano Cusub Oo Lagu Xoojinayo Ammaanka Baydhabo

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada shacabka.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixinno ka siiyey Hogaamiyaha xaaladda amni ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.

shirka ayaa lagu soo saaray go’aano la xiriira Amniga oo ay kamid yihiin in Askari aan wadanin Dareeska Ciidamada aan qori ku dhexwadan karin Gudaha Magaalada, in Baabuurta Dagaalka aan ku dhex socon Gudaha Magaalada hadaysan ku jirin Howlgal iyo in la bilaabi doono Howlgalo Qorshaysan oo lagu Furaayo Wadooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo amni waara, isaga oo faray laamaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa lagu go’aamiyey in la xoojiyo howlgalada amniga, korna loo qaado iskaashiga ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka si looga hortago falalka lidiga ku ah amniga, loona xaqiijiyo jawi amni oo ku habboon horumarka iyo adeegyada bulshada.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here