Galmudug oo Al-Shabaab ku eedeysay dagaal beeleedyada ka socda Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada haatan ka soo cusboonaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dagaal beeleedyadan ay yihiin kuwa soo noq-noqday, isla-markaana saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ee ku dhaqan gobolkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hurinta colaadan ay sidoo kale ka dambeyso Al-Shabaab, isla-markaana ay ka shaqeyneyso iska horkeenka beelaha wada daga halkaasi.

Ujeedada ay arrintan ka damacsan tahay ayuu ku sheegay inay isaga jeedineyso howlgallada ay dadka deegaanka ka qayb qaadanayaan ee ka socda gobollada dhexe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dagaallo culus oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed ay ka dhaceen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kuwaas oo geystay khasaare xoogleh.

Sii socoshada dagaalladan ayaa laga digay, maadaama ay saameyn ku yeelan karaaan wajiga 2-aad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Glamudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here