LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC laga dareemayo duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xalay, illaa saaka ay labada dhinac ciidamo soo dhoobeen goobaha ay isku horfadhiyaan ee duleedka magaaladaasi.
Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal horleh uu ka dhaco halkaasi.
Dagaalka Somaliland iyo SSC ayaa socdo dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.