Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (SOCAFRICA), Major General Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas, Bab al-Mandab, Gacanka Cadmeed, iyo guud ahaan xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa uga mahadceliyay wafdiga Mareykanka booqashada ay ku tageen Hargeysa, isaga oo sheegay in Somaliland ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah marka la eego amniga marin-biyoodka gobolka, maadaama ay leedahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 850 kiiloomitir oo ku teedsan marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka.
Wuxuu sidoo kale xusay in amniga xeebaha Somaliland uu qeyb ka yahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba, isagoo adkeeyay in cid kasta oo danaynaysa iskaashiga amniga ee xeebahaasi ay si toos ah ula shaqeyso maamulka Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Somaliland ay muddo ka badan 35 sano ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni, isla markaana ay leedahay hay’ado dowladeed iyo nidaam dimuqraadi ah. Wuxuu caddeeyay inay diyaar u yihiin xoojinta wada-shaqeynta la xiriirta la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee amniga gobolka.
Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Mareykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah, isla markaana xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaano ay labada dhinac wadaagaan.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, xog-isweydaarsiga, isdhaafsiga khibradaha iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac danaha u ah.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo danaha kale ee ay wadaagaan labada dhinac. 




