Muxuu ahaa ujeedka shirka uu gudoomiyay Sayid Aadan ee ka dhacay Beled-xaawo?

0

BELED-XAAWO (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka amniga deegaanada xuduudka ku yaala ee Gobolka Gedo.

 

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga deegaanada u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, si looga hortago weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan halkaasi.

Shirkan waxaa ka qeybgalay xubnaha golaha wasiirada ee kamidka ah wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ee howlaha shaqo u jooga gobolka, sarakiisha Ciidamada kala duwan iyo maamulka Degmada Beledxaawo.

Maalmihii u dambeeyay Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulamo xasaasi ah ka waday Gedo, kadib markii xal waara laga gaaray xiisaddii muddada dheer ka jirtay gobolkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here