Wararkii ugu dambeeyay shirka dib u heshiisiinta ee ka furmay Sh/Dhexe

0

CADALE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta deegaanka Burka Diirimeed ka daahfuray Shirka Dib u Heshiinsiinta Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan dagaalamay deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.

 

Shirkaan Dib u Heshiisiinta ah waxaa goob joog ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Duubabka iyo waxgaradka Gogoshaan Nabadeed isugu yimid ku adkeeyay inay dhameeyaan colaada deegaanadaan ka jirta si bulshadu ay ugu noolaadaan nabad wadajir iyo walaalnimo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here