Shariif Sheekh Axmed oo baaq culus u diray beelaha ku dagaalamay Sh/Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed oo todobaadyo ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa baaq nabadeed u diray beelo dhowaan ku dagaalamay inta u dhexeya degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.

 

Shariif oo kamid ah mas’uuliyiinta ku baxay colaaddaas ayaa sheegay in labada dhinac looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo walaalnimada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo qodobada kasoo baxa heshiiska labada beelood oo haatan gogoshiisa ay taalla deegaanka Burka Diirimeed.

Shirkan ayaa waxaa shalay si wadajir ah u furay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxaa waxaa goob joog ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here