Ganacsade Soomaali ah oo xalay lagu dilay gudaha dalka Koonfur Afrika

0

PORT ELIZABETH (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah dalkaasi ugu geysteen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa Soomaalida ka ganacsata dalkaasi.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar waxaana lagu toogtay goobtiisa ganacsi oo ku taal agagaarka magaalada Port Elizabeth ee gobolka Westren Cape.

Sidoo kale kooxaha burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, ayada oo goor dambe maydka marxuumka laga qaaday halkaasi.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sidoo kale tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana loogu geystaa dil, dhaawac iyo dhac intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here