XF Somalia oo shaacisay xog ku saabsan baarista weerarkii Kuliyadda Jaale Siyaad

0

MUQDISHO (SMN) –  Madaxda wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo maanta hortegay Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka jawaabay su’aallo laga weydiiyay weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhacay todobaadkii hore.

 

Wasiirka Gaashaadhigga oo ka hor hadlayay golaha ayaa sheegay in weli baarista ay socoto, wuxuuna xaqiijiyay in weerarka loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dhacday mas’uuliyad darro weyn, isla-markaana la’iskula xisaabtami doono dhacdadaasi.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga, Cabdifitaax Qaasim oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qaraxii is-miidaaminya ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ay u xiran yihiin 14 qof oo isugu jiro saraakiil iyo askar, uuna kamid yahay taliyihii xerada la weeraray.

Weerarkii is-miidaaminta ee lagu qaaday Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 30 askari, halka ay ku dhaawacmeen 70 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here