Aqriso: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo magacaabis sameeyay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa magacaabay garsoorayaal cusub oo ka howl-geli doono degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee maamulkaasi.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa lagu magaacabay afar garsoore oo ka shaqeyn doono maxkamadaha labadaasi magaallo.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah labo guddoomiye iyo sidoo lale laba garsoore, sida lagu caddeeyay wareegtada.

Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyay dib u habeyn ku waday hay’adaha kala duwan ee maamulkaasi, sida booliska iyo maxkamadaha, si ay adeeg bulsho iyo cadaalad u helaan shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Labadan gobol ayaa waxaa sidoo kale weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka, waxaana howlgalladaasi lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here