Xildhibaan shaaciyay inay mushaar la’aan yihiin ciidamadii laga keentay Eritrea

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in  mushaar la’aan ay yihiin ciidamadii laga soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan qaarkood dalka dib loogu soo celiyay.

 

Xildhibaanka oo ka hor hadlayay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadaas  aysan helin wax xuquuq ah, ayna tababar u weysay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la dayacay ciidamadaasi, isla-markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga jawaabayo arrintaasi.

Khaliif Cabdi Cumar ayaa sidoo kale sheegay inay dhibaateysan yihiin ciidamada kale ee weli ku maqan waddanka Eritrea, kuwaas oo uu tilmaamay inay hadda maxaabiis yihiin.

Hadalkan ayuu xildhibaanka ka hor sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabduqaadlir Maxamed Nuur oo shalay tegay xarunta baarlamaanka oo ay su’aallo ku weydiiyeen mudanayaasha Golaha Shacabka, kuwaas oo ku aadanaa ciidamada iyo weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here