Dadaalladii lagu dhex-dhexaadinayay dowladda iyo Puntland oo fashilmay

0

MUQDISHO (SMN) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu fashilmay isku day lagu raadinayay inay ku wada-hadlaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntand.

 

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in la’isku fahmi waayay arrintaasi, kadibna gabi ahaan uu fashilmay dadaalkii ugu dambeeyay ee dhex-dhexaadinta.

Wada-hadalkan ahaa waxaa hormuud ka ahaa Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka waanagsan la leh dowladda federaalka iyo Puntland qudheedaba.

Arrinta is fahamwaga keentay aya ah sida loo wajahayo wadahadallada Muqdisho iyo Garoowe, sida ay xogta ku heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa dalbaday in so gooni ah ay arrinta uga wada-hadlaan isaga iyo madaxweyne Xasan oo kaliya, Imaaraadkana uu fuliyo waxa lagu heshiiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa arrintaas diiday, wuxuuna sheegay in laba shakhsi aysan is hayn ee wixii khilaaf ah looga hadlo si waafaqsan nidaamka dowliga ah.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrinta ayaa weli isku cakiran, ayada oo khilaafkan uu sameeyay wada-shaqeyntii dowladda federaalka iyo sidoo kale Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here