Wararkii ugu dambeeyay qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Qarax oo ahaa mid gaari lagu soo xiray ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Beexaani, sida ay Idaacaadda Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Gaariga qarxay ayaa ahaa Surf, waxaana la sheegay inuu qarxay, xilli ku baakinaa goonbta, isla-markaana uu ka maqnaa ninka iska leh oo ah wiil dhalinyaro ah.

Ma jiro wax khasaare oo ka dhashay qaraxaan, marka laga soo tago gaariga oo gebi ahaan ku basbeelay halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen oo ah goob mashquul badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here