Faah-faahino kasoo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

0

AADAN YABAAL (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa la sheegay in duqeymo xoogan ku gaareen dhowr saldhig oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday deegaanka Sigato oo lagu burburiyay xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here