Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan arrinta doorashada oo ay isku hayaan isaga iyo xubnaha mucaaradka.

 

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in xukuumaddiisa ay damacsan tahay muddo kororsi, balse waxa uu xaqiijiyay in doorashada ay dhaceyso siddeeda January.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhinacyada kasoo horjeedo iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, ayna qaataan doorkooda.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrinta Laascaanood, isaga oo shaaciyay in ay fursad siiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, si ay uga tashadaan aayahaooda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu rajeynayo in maamul ahaan ay la midoobaan walaalahooda reer Puntland, si ay u wada yeeshaan hal maamul oo qura.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa xukuumadda Deni iyo mucaaradka oo isku haya arrinta doorashada iyo dastuurka, kadib markii uu baarlamaanka u codeeyay wax ka beddalka dastuurka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here