Wasiirka Cadaaladda oo jawaab ka bixiyay hadalkii taliyaha ciidanka Asluubta

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho, isagoo ka war bixiyay xaaladda maxaabiista halkaasi ku xiran.

 

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin maxaabiis Roman ah ama lagu hayo 10 sano Xabsiga dhexe ee muqdisho, isagoo xusay in maxaabiista aan la maxkamadayn muddadii loogu tala galayna dhaafay ay sida ugu dhaqsiyahA badan cadaalad ku heli doonaan.

Wasiirka cadaaladda XFS oo ka jawaabayay hadalkii taliyaha ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ee ah inay jiraan maxaabiis xiran10 sano oo ay bulshaduna is weydiineyso ayaa yiri, “Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa jira oo taliyuhu sheegay qofkii meeshaas ku xiran ee muddada dhaafa maalin haddii uu dhaafo inuu isaga 10 sanno uga dhigan tahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here