Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ku yaal Gedo

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen duleedka degmada Doolow ee gobolkaasi.

 

Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Geedweyne ee hoostaga degmaaasi, waxaana kadib meesha ka dhacay dagaal foolka fool ah.

 

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu muddo socday, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

 

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkan, balse lama shaacin inta uu gaarsiisan yahay.

 

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here