Ciidamada Danab oo howlgallo ka sameeyay gobolka Hiiraan

0

BUULO-BURDE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo garab ka helaya Saaxibada Caalamiga ah ay howlgal ka sameeyeen duleedka degmada Buulo-burde ee gobolkaasi.

 

Howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed ayaa waxaa lagu beegsaday laba saldhig oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmadaasi.

Saraakiil u hadashay Danab ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay khasaare xoogleh ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay burburiyeen xarumo ay ku kahaayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa xiligan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ugu horreeya maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here