Macallimuu oo war cusub kasoo saaray xaaladda guud ee gobolka Gedo

0

GARBAHAAREY (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee gobolkaasi, kadib markii ay ka dhaceen isbeddalo ballaaran.

 

Macallimuu ayaa shaaca ka qaaday in xal waara laga gaaraY dhibaatooyinkii ka taagnaa gobolka, haatana uu shaqada wado maamulka cusub ee lasoo magacaabay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafaadkii ka taagnaa Gedo ay dib u dhigeen gobolka, wuxuuna ku eedeeyay inay dhibaatadaas ka dambeysay dowladda hore.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay jiraan siyaasiyiin danley ah oo si gaar ahaaneed uga faa’iideystay inta ay qalalaasaha ka taagnaayeen gobolka Gedo.

Hadalkan aya kusoo aadayo, xilli haatan ay Jubbaland la wareegtay maamulka gobolkaasi, waxaana si weyn u taageeray maamullada degmooyinka oo ballan-qaaday inay hadda ka kadib la shaqeyn doonaan maamulka madaxweyne Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here