Kordofan, Sudan – Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF), Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ayaa ugu baaqay dagaalyahannadiisa inay sii xoojiyaan dagaalka, kadib markii ciidamada dowladda Suudaan ay ku dhawaaqeen inay dib ula wareegeen waddo istiraatiiji ah oo isku xirta caasimadda Khartoum iyo magaalada El-Obeid, taasoo sare u qaadday xiisadda dagaalka ka socda gobolka Kordofan.
Farriin muuqaal ah oo uu soo saaray, Dagalo ayaa sheegay inuu taliyeyaasha jiidaha hore u fasaxay inay si madax-bannaan u gaaraan go’aannada dagaalka, arrin loo fasiray inay muujinayso in RSF ay qorsheynayso weerarro cusub oo lagu doonayo dib u qabsashada dhulalkii laga saaray.
Waddada ay ciidamada dowladda sheegeen inay dib u fureen ayaa ah marin muhiim u ah isku socodka ciidamada iyo gaarsiinta sahayda, maadaama ay isku xirto Khartoum, El-Obeid iyo gobolka Daarfur, halkaas oo RSF ay weli gacanta ku hayso deegaanno ballaaran. Dib ula wareegidda waddadan ayaa loo arkaa guul istiraatiiji ah oo u sahli karta ciidamada dowladda inay xoojiyaan hawlgallada ay ka wadaan galbeedka dalka.
Qaramada Midoobay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka digaysay in dagaallada ku sii fidaya hareeraha El-Obeid ay horseedi karaan xasuuqyo iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo oo hor leh. Magaaladaasi ayaa hoy u ah boqolaal kun oo barakacayaal ah, kuwaas oo wajahaya cunno yari, biyo la’aan iyo shidaal yari.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogagga RSF ee uu hoggaamiyo Mohamed Hamdan Dagalo ayaa billowday bishii Abriil 2023, kadib khilaaf ka dhashay qorshaha lagu mideynayay RSF iyo ciidamada qaranka. Colaadda ayaa tan iyo markaas isu beddeshay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee Afrika.
Sida ay sheegayaan hay’adaha Qaramada Midoobay, dagaalkan ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 200,000 oo qof, barakaca malaayiin qof, halka ku dhawaad 34 milyan oo qof ay maanta u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, iyadoo Suudaan lagu tilmaamay inay wajahdo mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ugu waaweyn dunida.




