MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann oo ay usoo dhammaatay shaqadii danjirinimo ee ay dalka u joogtay iyo Wafdi la socday.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga mahadceliyay Tina Intelmann sare u qaadidda kaalinta wadashaqeynta Midowga Yurub ay la leedahay Dowladda iyo dadka reer Galmudug.
Dhankooda Tina Intelmann ayaa ballan qaadday iney Galmudug ka caawin doonaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-