Qarax iyo duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe + Khasaaraha

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, balse waxa uu haleelay dad shacab ah.

Guddoomiyaha degmada Ruun-Nirgood, Muxudiin Maxamuud Kulmiye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku geeriyootay haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka, sidoo kalena uu dhaawac uu soo gaaray canug yar oo ay wadatay.

Dhanka kale, waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa duqeymo ay diyaarado dagaal maanta ka geysteen xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud,

Duqeymahaas ayaa waxaa lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shababa, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here