Somaliland oo iska fogeysay dilka Abawaankii weynaa ee Jaamac Kadiye

0

LAASCAANOOD (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dilkii loo geystay AUN Abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye, kaas oo gelinkii dambe shalay ku dhintay duqeyn ay ciidamada Somaliland ka geysteen magaalada Laascaanood.

 

Somaliland ayaa sheegtay inay cambaareneyso dilka Abwaanka, ayna ku xun tahay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulkaasi.

Waxa ay sheegtay wasaaraddu in Abwaanka uu ka mid ahaa hal abuurka iyo haldoorka Somaliland, isla-markaana ka tacsiyadeyneyso dilkiisa.

Somaliland ayaa iska fogeysay dilka Abwaan Jaamac Kadiye, waxaana ay tilmaamtay inay dileen kooxaha aragagixisada iyo huwanta ku sugan magaalada Laascaanood.

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye ayaan ku dhintay madaafiic ay ciidamada Somaliland shalay ku garaaceen bartamaha magaaladaasi.

Geerida Abwaanka ayaa si weyn looga dareemay dalka, waxaana la sheegay in xilliga la dilayay uu la socday baabuurkiisa, isla-markaana uu ku habsaday madfac habow ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here