Dhimsho iyo dhaawac oo ka dhashay banaanbax ka dhacay Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dibadbax rabshado watay uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

 

Dibadbaxan oo ay dhigeen dadweyne careysan ayaa waxaa looga soo horjeeday xarigga Janaraal Sheegow oo ay dowladda Somaaliya ku xirtay magaalada Muqdisho.

Waxaa dibadbaxa dhigay beesha uu kasoo jeedo sarkaalka la xiray oo lagu soo qabtay dagaal saacado badan qaatay oo maalin ka hor ka dhacay degmada Dharkenley.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay isku dhaceen dibad-baxayaasha iyo ciidamada ammaanka, kadibna ay rasaas ka dhacday magaalada Beledweyne.

Ugu yaraan laba qof oo ka mid ahaa dadka dhigayay banaanbaxa ayaa dhintay, sidoo kale waxaa ay dhaawacyo soo gaareen 5 kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxayna ciidamada ku guuleysteen inay kala ceyriyaan dibadbaxayaasha oo dalbanayay in lasii daayo Janaraal Sheegow Axmed Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here