DF oo sheegtay in la xirio doono aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBET

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo teknooljiyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ugu weyn ee ay dowladda u xirayso isticmaalka aaladaha qaar ee baraha bulshada, sida Tiktok, Telegram iyo aaladda kale ee qamaarka lagu dheelo ee 1XBET.

 

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in saddexdaan aaladood ay dhibaato weyn ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, isla-markaana la go’aamiyay in laga mamnuuco Soomaaliya, kadib Shirkii Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, kaas oo ay ka qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dalka.

Wasiirka isgaarsiinta ayaa si gaar ah carabka ugu goday aaladda 1XBET-ka, isaga oo sheegay in xittaa  askarta dowladda ay gaarsiisay heer ay hubkooda iibiyaan si qamaarka ugu cayaaraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in si khaldan looga faaidaystay isticmaalka baraha bulshada, isla-markaana ujeedka go’aankan uu yahay in xal loo helo dhibaatooyinkaasi.

Si kastaba, Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internetka ayaa si weyn looga isticmaalaa Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xooggan markii uu soo baxay go’aanka dowladda ee lagu sheegay in lagu xirayo aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here