MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan hore Idiris Xasan Faarax oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee ka jira magaalada Muqdisho.
Idiris ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii u dambeeyay ay kordheen falalka amni darri ee ka dhacaya gudaha caasimadda, kuwaas oo ay geysanayaan xubnaha Al-Shabaab.
Siyaasigan ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka ee dowladda inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir, si looga hortego weerarada iyo dilalka qorsheysan ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka laga rabo inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si la’isaga kaashado xasilinta nabad-gelyada guud ee deegaanka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay weeraro kala duwan ay ka dhaceen Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dagaalkii tooska ahaa ee ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Kaxda iyo qaraxii maalin ka hor ka dhacay Ifka Xalane.