Faah-faahino kasoo baxaya howlgallo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafado ka tirsan maagaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorshesan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay degmooyinka kala ah Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka howlgalladan uu ahaa amni xaqiijin, waxaana lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaas oo intooda la sii daayay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalladaas xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, howlgalladan ayaa daba socda weeraradii dhowaan ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan dagaalkii degmada Kaxda iyo qaraxii ka dhacay isgoyska Ifka Xalane ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here