MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Dr Abdullahi Muse Ahmed ayaa maanta ka guddoomay qaar kamid Hay’adaha deeqaha bixiya, deeq agab caafimaad oo ka kooban dawooyin iyo qalab caafimaad.
Daawada iyo agabka ayaa waxaa loogu talagalay in lagu howlgaliyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee degaannadii dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.
Deeqdan ayaan la filayaa dhawaan in ay gaarto degaanadaas, waxayna talaabadan imaaneysaa xilli lagu guda jiro wajigii labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo si dardar leh uga socdo qaybo kamid ah goballada dalka hormuudna uu ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-