DOOLOW (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta loo geystay taliyihii Nabad-Sugidda degmada Doolow ee gobolka Gedo oo lagu magacaabi jiray, Ibraahim Hilowle Xuseen
Wararka ayaa sheegaya in marxuumka ay dishay xaaskiisa, isla-markaana gacanta lagu dhigay, markii ay goobta tageen ciidanka amniga.
Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda degmada Doolow, Aadan Barre oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in gabadha xaaska ah ay dilka u adeegsatay bistoolad uu lahaa marxuumka, ayna ku dishay hoteel ay wada daganaayeen oo ku yaal magaalada.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay qiraal tahay, isla-markaana lagu xiray saldhiga degmadaasi.
Aadan Barre ayaa sidoo kale xusay in taliyaha la dilay uu gabadhaan guursaday mar dhow, ayna uga shakisan yihiin inay xiriir la leedahay Al-Shabaab.
Dhacdadan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxayna qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada oo lagu baahiyay sawirka taliyaha iyo xaaskiisa.