AADAYAN YABAAL (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa degmadaas u tegay arrimo la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle.
Wararka ayaa sheegaya in safarka ra’iisul wasaaraha ay qayb ka yihihiin, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kormeeri doono xarumaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si uu ugu koorgalo xaaladda guud ee ciidamada.
Waa markii labaad ee uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu booqanayo Aadan Yabaal, isaga oo horay tegay markii degmadan laga xoreeyay Al-Shabaab.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-